berberatoday.com
Wariye Axmed Muuse Maxamed(Axmed Sakaaro)Oo 30 Maalmood Sife Sharci Daro Ah Oo Bilaa Maxkamad Ah Ugu Xidhan Burco Iyo Saldhigyada Booliska Burco Oo Marba Mid Loo Wareejinayo
October 24, 2016 - Written by Berbera Today

sakaaro-iyo-shirqoolkaBurco(Berberatoday.com)-Wariyihii ku xidhnaa Magaaladda Burco Axmed Muuse Sakaaro ayaa sabaabo aan la garanayn Xukuumaddu u Habeenba Saldhigyada Burco mid u gaynaysaa, waxana uu Habeenkii Xalay loo soo wareejiyey Saldhiga Faarax Omar ee Magaaladda, halkaa uu habeenkii ka horeeyeynaa ku xidhnaa Saldhiga Baar Siigo.

Lama ogga Ujeedada dhabta ah ee habeenba Saldhig Xukuumaddu u geynayso wariyaha. Hase-yeeshee Warar lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday inay amarka saldhiyada magaalada in kolba mid loo geeyo wariyaha ay soo bixiyeen Wasiirradda wasaaradda Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka ay isku beesha kasoo jeedan ee hawlaha Guud Md. Cali Mareexan.

Wariyahan ayaa amarka wasiiradda u xidhnaa muddo Bil ah, isagoo 30 habeen la dhex-wareejinaayey saldhig Gobolka Togdheer, ayaan gabi ahaanba helin wax cadaalad ah. Isla markaana aan la hirkeenin Maxkamad, mudada intaas le’eg. Waxana la sheegay in Maxkamadda looga baajiyey wariyahan kaddib markii Maalintii u horeysaybaa la waayey wax danbi ah oo lagu soo Oggo. Balse ujeedada ugu weyn ee wariyahani u xidhan yahay ayaa wararku ku sheegen in loo haysto Kicin dadweyne, wallow aanay Maxkamadda horkeenin Xeer Ilaalintu wax caddayn ah iyo in Kiiskiisa la cadeeyo.

Hase-ahaatee Wararka u dhuundaloola xadhiga wariye Axmed Sakaaro ayaa shaaca ka qaaday inay Wasiiradda hawlaha guud iyo Madaxtooyaddu wariyaha ku haystaan inuu ugu Guulwadeeyo qalinkiisa, iyagoo waqti xaadirkan xabsiga ugu hayaa in laga helo qorshaha guulwadeynta. Waxana Wararku intaa raaciyeen in labadan wasiir si cad ugu sheegeen Booliska iyo Maxkamaddahaba inuu iyaga u xidhan yahay. Isla markaana ay qaab Beel ahaan ah u xidheen.

Si kastaba ha ahaatee, Wariye Axmed Muuse (Sakaaro) ayaa noqonaaya wariyihii ugu xadhiga dheera, isla markaana Maxkamad La’aan xidhnaa muddo Bil ah. Kaasoo ay u dheer tahay in ehellada wariyaha xidhani inay garan waayan halka uu ku xidhan yahay saxafi, kuwasoo ku jaho-wareeray wariyahan habeenba Saldhig aan kii hore ahayn la geynaayo. Tallaabadaasoo ah mid nooceedu ku cusub yahay dalka, oo aan weli la arag qof sidaas magaaladda loo qaybiyo, qof saldhig ku xidhnaada mooyee. Sidoo kale tallabadan ayaa xadgudub ku ah xoriyatul qawlka, isla markaana waxay ka turjumaysaa cabudhinta ay Xukuumaddu ku hayso Saxaafadda xorta ah ee Somaliland oo ay dabar—goyn ku hayso.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews