Madaxtooyada Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jirta In Baashe Ku Fadhiisto Kursiga Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Marka Uu Cirro Baneeyo
October 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxtooyada Somaliland ayaa guclo iyo orod ugu jirta sidii ay taageero ugu heli lahayd in guddoomiye-xigeenka 1aad ee golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, noqdo guddoomiyaha golaha wakiilada, marka uu guddoomiye Cirro xilkaas iska casilo.
Shirar labadii habeen ee u dambeeyay ka socday madaxtooyada, ayaa waxa warar uu Geeska Afrika helay sheegayaan in lagu go’aansaday in la sameeyo qorshe lagu dhabaynayo fikirka ah in Baashe Maxamed Faarax noqdo qofka bedelaya guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaana la dejiyay qorshihii lagu heli lahaa codka uu u baahanyahay guddoomiye Baashe si uu kursigaas ugu fadhiisto oo uu u noqdo guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada.