Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Jawaabay Hadalkii Xasan Sheekh
October 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Cali Khaliif Galaydh oo sheegay inuu ku soo waajahan yahay Magaalada Hargeysa, waxaanu tilmamaay in aanay jirin cid u diidi karta inuu yimaado, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Xasan Sheekh Somaliland kama hadli karo, wuxuu Somaliland u hayo, awood uu ku leeyahay iyo awood uu kaga taliyo aayaheeda midna ma jirto, waxna lagama weydiinayo, waxaana u arkaa inuu yahay nin iska hadlaya oo banaan ka hadlay,Xasan Sheekh waa u nacasnimo iyo caqli daro wuxuu kaga hadlay Somaliland,inta uu Somaliland ka hadlayana waxa u haboon inuu hawshiisa hoos u eego, oo xalaada uu dalkiisu ku jiro wax ka qabto”.