KULMIYE Halkii Uu Ka Shaqayn Lahaa Maamul Daadejen, Ayuu Qabiil Daadejin Ka Shaqeeyey W/Q: Mujaahid Cali Cismaan Libaax (cali Xaraaro)
October 25, 2016 - Written by Berbera Today
Markii talada dalka uu hayey xisbigii Udub waxa muuqatey inuu daciiftey Qabyaaladu Waxa laga markhaaati furey in magaca Qabiilka iyo hadal hayntiisuba yarayd Kuna dhaweyd in laga gudbo waxaanay Ahayd sidii loo baahnaa ee xisbiyada Loo sameeyey, qof kastoo u dhashay JSL Haduu dembiga iska dhawro wuxuu Markhaati ka yahay in markii xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegey iyo Qabiilku wada socdeen, waxay nay ahayd Siduu marka horeba xisbiga kulmiye ku Yimi, waxa taa ka daran halkii sare ee Qabiilka kumuu joogine xisbiga Kulmiye Wuxuu ka hawl galay oo lacag malaayiin Doolar ah ku bixiyey inuu daadajiyo Qabiilka, tusaala ahaan halka la Gaadhsiiyey hadaan dhaliilo u jeediyo Xisbiga Kulmiye isla caawa waxa la ii Raadinayaa mid aanu is xigno oo ii Jawaaba, waxaynu wada ognahay Mudada todobada sanadood ku dhow ee Xisbiga Kulmiye talada hayey in habeen Walba TVyada ay ka soo baxaan beelo Ama qabiilo isku jawaabaya iyo kuwo Isku hanjabaya, taasoo aan ahayn wax Iska dhacay laakiin ay tahay saldhiga Siyaasada xisbiga Kulmiye si dadku isku Wada nacaan, beelo, qabiilo, ilaa qofaf. Tusaale ahaan haddii aynu dib u milicsano shirweynihii xisbiga Kulmiye iyo qaabkii loo fadhiyay oo ahaa shir beeleed, xataa madaxweyne ku-xigeenka iyo xaaskiisa ayaa laba beelood ka kala socday.