Maxkamada Sare Ee Jamuuriyada Soomaliland Oo Uyeedhay Faysal Cali Waraabe
October 26, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
ilo lagu kaloonyahay ayaa waxay tixaabaxayaan in Maxkamadda Sare ee Jamuuriyada Soomaliland oo ay u dhan yihiin Garsoorayaasha iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare ay warqad u qoreen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid in uu soo cadeeyo hadalo saxaafada uu mariyey kuwaas oo ku saabsana in uu u taagan yahay Musharax Madaxweynanimo ee Xisbiga Ucid, waxaana ay maxkamada Sare si cad uga dalbatay in Gudoomiye Faysal uu soo cadeeyo sharciga iyo didaamka u ogol in uu isku soo sharaxo mar sadexaad Musharaxnimo madaxweynanimo iyadoo labada jeer ay shacabku u codeeyeen una tuseen kalsoonidooda oo uu gudoomiye faysal helay kaalinta sadexaad labadii jeerba.