Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Raysalwasaaraha Itoobiya
October 30, 2016 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay kulan la yeeshay raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.
Sida ay wakaaladda wararka ee Itoobiya baahisay, Madaxweyne Siilaanyo iyo raysalwasaare Hailemariam Desalegn waxa ay ka wada hadleen xidhiidhka iyo danaha labada wadan. “Labada hoggaamiye waxay is dhaafsadeen aragtiyaha lagu xoojin karo iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo horumarka” ayay warbixintu tidhi.