USA(Berberatoday.com)-Hillary Clinton Waxay sheegeysaa inay ku kalsoon tahay in baaritaanka FBI-da ee email-lada cusub ee la soo bandhigay aysan sababi karin in lagu helo kiis ayada ka dhan ah.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga, waxay taageera yaasheeda u sheegtay in baarayaashu ay gaari doonaan gebogebo la mid ah baaritaankii bishii July oo ahaa in la ogaaday inaysan wax qalad sameyn.