berberatoday.com
Xildhibaanadda Loo Xulayo Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Hubinayo Aragtidooda Ku Aadan Qadiyada Somaliland.
November 2, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(BErberatoday.com)-Iyada oo kala xulista xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ka socoto maamul goboleedada dalka Soomaaliya ayaa waxa soo baxayaan warar kala duwan oo muujinaya cadaawad iyo sii kala fogaansho ku imanaya Somaliland iyo dawladda ka soo bixi doonta Xamar, haddii doorasho ay dhacdo.

xildhibaanada-somaliya
Qaar ka mida musharaxiinta aqalka shacabka ee Soomaaliya ee ka tartamaya maamul-goboleedka Puntland oo la hadlay Geeska Afrika hase ahaatee magacyadooda ka gaabsaday ayaa sheegay in hay’adaha kala duwan ee qaabilsan hubinta musharaxiinta tartamaya inay weydiiyeen su’aalo la xidhiidha Somaliland iyo waxa ay ka aaminsan yihiin, waxaana su’aasha ugu badan ee musharaxiintaas la weydiiyey ka mid ah ‘Aragtida ay ka aaminsan yihiin Somaliland iyo madaxbanaanideeda’.
Lama hubo in arrintani ay tahay qorshe guud oo ay ka midaysan yihiin dawlad goboleedada hoostaga dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo inay tahay aragti ku kooban maamul goboleedka Puntland, musharaxiinta warkan aan ka soo xiganay ayaa ah kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland hase ahaatee aaminsan aragtida midnimada, kuwaas oo damac ka hayo inay ku guulaystaan ka mid noqoshada aqalka shacabka ee Soomaaliya loo dhisayo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews