Dawlada Japan Oo Dhimaysa Hawlgalka Ka Dhanka Ah Burcad Badeedda Ee Ay Ka Waddo Xeebaha Dalka Somaliya + Sababta
November 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Japan ayaa gacan ka gaysanayay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya badweynta Hindiya.
Jaban (Ilays-News):- Dowladda Japan ayaa qorsheynaysa in ay yareyso hawlgalka ay ka wadda gacanka Cadmeed ee xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaasi ee Jiji.
Falalka burcad badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya iyo galbeedka badweynta Hindiya ayaa sanaddadan hoos u dhacay sababo la xidhiidha ciidamo caalamiga ah ee gaafwareegaya goobaha halista ah.
