Madaxweynaha Somaliland Oo Qoyskii,Qaraabadii Iyo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku TimidEng Axmed Warsame Siciid Oo Hargeysa Ku Geeryooday.
March 7, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Beberatoday.com)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday Hargeysa
06/03/2016
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Axmed Warsame Siciid oo ku geeriyooday Hargeysa 06.03.2016.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey oday door muhiima ka soo qaatay dib u dhiska dalka, kana mid ahaa Ganacsatada dalka maalgashatay, ee aqoontooda iyo muruqoodaba uga faaiideeyey.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.