Dagaal Xoogan Oo Markale Dib Uga Qarxay Gudaha Magaalada Gaalkacyo
November 6, 2016 - Written by Berbera Today
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Geinkii danbe ee maalinti shalay oo Sabtida ayaa dagaal ka
qarxay meel kaga beegan magaalada Gaalkacyo Koonfur Galbeed halkaas oo ahayd meelihii dagaaladii hore ka dhaceen.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Galmudug ay weerarka soo qadeen isla markaana dagaalka ka fureen aagag kala duwan, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland.
Subaxnimadii hore isla maanta oo Axad ah ayaa dagaalku ka bilowdey goob kale oo magaalada dhinaceed koonfureed iyo Galbeedba ah, oo u dhaxaysa labada Kontrool ee magaalada dhankeeda Koonfureed ku yaala.