Donal Trump Oo Qarka U Saaren Inuu Noqdo Madaxweynihii Bedli Lahaa Madaxweyne Obama
November 9, 2016 - Written by Berbera Today
Mareykan(Berberatoday.com)-Doorashada Maraykanka ayaa gabo-gabo ku dhaw, waxaana uu Donal Trump ku sii dhawaanaya inuu noqdo Madaxwaynaha Maraykanka, isagoo iminka u baahan kaliya 6 cod si uu Madaxwayne Obama kursiga uga bedelo.
Geesta kale Aqalka sare ee Senate-ka ayaa ay doorashdiisu socotaa waxaana la filayaa inuu xisbiga Jamhuurigu aqlabiyadda ku yeesho, aqalka sare oo ka kooban 100 kursi ayaa illaa la doortay 49 kursi oo xisbiga Jamhuuriga ah iyo 48 xisbiga Dimurqaadiga ah waxaana hadhay laba kursi oo kaliya oo la saadaalinayo inuu Jamahuurigu ku guulaysan doono.