berberatoday.com
Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi Oo Caqabad Ku Noqday Beelaha Gudida Daahir Faarax , Alla-Magan, Xuseen Cabdille Iyo Beesha Loo Filaayo Inay Dhawaan U Hayaanto Dhanka Xisbiga Wadani.
November 9, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Gudida guud ee Beelaha Daahir Faarax Alle Magan iyo Xuseen Cabdille oo beryihii u danbeeyeyba ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay Kulmo gooni gooniya la qaateen Madaxweynaha, ayaa lagaga hadlay sidii horumar looga fulin lahaa deegamadaasi,

Burco(Xogreebnews)Gudida guud ee Beelaha Daahir Faarax Alle Magan iyo Xuseen Cabdille oo beryihii u danbeeyeyba ku sugnaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa ay Kulmo gooni gooniya la qaateen Madaxweynaha, ayaa lagaga hadlay sidii horumar looga fulin lahaa deegamadaasi, sidoo kalena xukuumada loogu dari lahaaa masuuliyiin kasoo jeeda deegamadaasi maadaama ay Todoba sano oo Madaxweye siilaanyo dalka hogaaminayey ay go’doon ku jireen.
Maxamed Kaahin Axmed oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xasbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye ayaa ayaa ka biyo diiday la kulanka Gudidu la kulmayso Masuuliyiinta Qaranka ee uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo Gudoomiyaha Xusbiga Muuse Biixi Cabdi iyo qaar kamida Golaha Wasiirada.
Maxamed Kaahin ayaa ganafka ku dhuftay kulamadaasi islamarkaana kasoo horjeestay waxaana wararku qaar sheegayaan in diimadiisa uu ku weheliyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu beryihii ugu danbeeyey Loolan adag ugu jiray hanashada Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Dabadii, waxaana uu doonayaa inuu gees caaradii ku muquuniyo Maxamed Kaahin isaguna yeesho dhaxtooyada kursigaasi .
Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi ayaa kulan dhexmaray waxay ku tashadeen in hadii Wasiir Daahir Faarax ah la magacaabo aan iyaga Awr halaabay la wadaydiinayn islamarkaana inta ay goori goor tahay ka tashadaan taasi oo keentay inay odayaashii danta guud ee beelaha u socday ay Caqabad ku noqdaan isuna kaashadan sidii loo baajin lahaa kulmadaasi ay la leeyihiin Masuuliyiinta qaranka.
Deegaamada Beelaah Gaashaanbuurta Daahir Faarax, Alla-magan iyo Xuseen Cabdille ayaa ah Deegaamada ugu liita Dhulka Somaliland kuwaasi oo uu dayacay Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadiisu muadii 7-sano ahayd ee ay Xilka qaranka hayeen, Dhanka abaartana waa Deegamada ugu liita maanta aan ilaa hada la gaadhsiin wax gurmad ah, sidoo kalena ay xitaa gurmadkii is hogtaageen Labadaasi nin ee dhawaan is bahaystay oo doonaya inay Xasan Gaafaadhi Daaqada ka saaraan.
Beelaha Daahir Faarax Alla-Magan iyo Xuseen Cabdille ayaa la doonayaa in sanka lagaga tolo Siyaasadda Faashilkaa ee Xisbiga Xaakimka Kulmiye, waxaana muquunadaasi wada Maxamed Kaahin iyo Maxamuud Xaashi oo doonaya in Hogaanka Siyaasada ee Beelaha Habar Jeclo Mustaqbalka uu isagu noqdo balse taasi aanay marnaba suuro gal ahayn, waxaana jira shirar doceedyo kala duwan oo ka socda Magaaloyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera kuwaasi oo ay doonayaan Beelaha Gaashaanbuurtu inay hadh cad ka huleelaan taageradii kulmiye Maadaama aanu Kulmiye 6-sano oo uu Xukuumada hayey waxba u qaban Deegaamada Beelahaasi maantana yihiin kuwa ugu liita dhanka waxqabadka iyo abaartaba.
 
Aragtida Xortaa.
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews