Xulka Gobolka Saaxil Oo Final Koobka Gobolada Somaliland Iska Xaadiriyay Kadib Markii Uu Ka Badiyay Xulka Gobolka Daadmadheedh
November 10, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa (Ilays-News):- Waxaa gabo gabo ku dhaw wareegii labaad ee koobka gobalada Somaliland waxaana
ay galabta ciyaar aad u adagi oo semi final ahi dhex martey xulalka gobalada Daadmadheedh Vs Saaxil.

Labadan xul oo soo bandhigay ciyaar ad u qurux badan oo weerar iyo weerar celis ayaa waxaa labadii haaf ee ciyaartaba dhameysteen iyaga oo aan wax gool ah aan kala dhalin .
Ka Dib markii sagaashankii daqiiqo ee ciyaartu ku dhamaatey 0 0 ayaa waxaa labada kooxod loo dhigay riinkoodhayaal ama laag ku laad si ay labada kooxood mid ka mid ah ugu gudubto finalka koobka gobalada Somaliland .
Afar Laag oo si xor ah gobalka Daadmadheedh ugu laatey goolka xulka Saaxil Saddex ka mid ah waa laga qabtey