Siciid Cilmi Rooble Oo Eedaymo U Jeediyay Madaxtooyada Iyo Faysal Cali Waraabe, Kuna Taliyey In Mooshin Loo Gudbiyo Baarlamanka
November 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee Xisbiga Waddani, ayaa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyay in burburisay sharciga Dalka.
Xildhibaan waxaa uu sheegay in xukuumaddu ay baa’biinayso xisbiyadii Qaranka isla-markaana Musharraxiintii isku hayay xisbiga UCID ay taageertay Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe.