Xulka Kubada Koleyga(Basket Ballka)Gobolka Saaxil Oo Ku Guulaystay Koobkii Gobolada Somaliland
November 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xulka kubada Kolayga(Basket Ballka) Gobolka Saaxil ayaa ku guulaystay koobkii Gobolada Somaliland ee koobkaas iyaga oo kaga guulkaystay Xulka Gobolka Gabiley oo ay isugu yimaadeen ciyaartii kama danbaysta aheyd.
Ciyaarta kama danbaysta aheyd ama Finalka aheyd e kubada kolayga oo habeenkii xalay ka dhacday garoonka Tima Cade ee Hargeysa ayaa waxa ay halkaas labada xulba food isku dareen ay kusoo bandhigeen ciyaar aad uqurux badan oo weerar iyo weerar celis ahayd iyada oo ugu danbeyntiina Xulka Kubada kolayga Gobolka Saaxil kaga adkaaday Xulka Gobolka Gabiley 35 dhibcood halka Gobolka gabileyna keenay 28 dhibcood.