“Reer Berbera Waxan Idinku Jeclahay Madaxweyne Cigaal Ayaa Idinka Dhashay Oo Gobonimo Caan Ku Ahaaye Aynu Dalka Badbaadino”Xildhibaan Cali Aareye
   March 7, 2016 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
“Dalku  jarbuu ka laalaadaa waxaa badbaaadinaya xisbiga WADDANI Iyo Cabdiraxmaan Cirro”Xildhibaan Aareeye
 
Berbera(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim (Aareeye) oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana tirsan  masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa maanta mar uu meel fagaare ah kala haddlayey shacabka magaalada Berbera waxaa uu sheegay Saddex qodob oo uu ku jecelyahay Magaalo xeebeeda Berbera.
”Reer Berberaadow  Saddex Xaalo Ayaan idinku jecelahay,ta ugu horaysa cigaal baa idin ka dhashay madaxweynihii ugu horeeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ee Somaliland  dhidibada u aasay oo Gobonimo caan Ku ahaa,qodobka labaad ee aan idinku jecelahay waa hunguriga  Somaliland laga quudiyo,qodobka saddexaad,waxa weeye madaxweeynaha mustaqbalka Cabdiraxmaan ayaa maadaxweynaha noqonaya oo reer berbera ah, horta saddex daa arimood ayaan idinku  jecelahhay”ayuu yidhi Xidhibaan Cali Shiikh Ibraahin (Aareeye)