War Deg Deg Ah”Xulka Gobolka Awdal Oo Ku Guulaystay Koobkii Gobolada Somaliland
November 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciyaartii kama danbaysta ahayd ee Koobka Gobolada Somaliland ee Kubada cagta oo ay ciyaarta kama danbaysta ah isugu Yimaadeen Xulalka Gobola Awdal Iyo Saaxil ayaa waxa ku guulaystay oo koobkaas qaaday Xulka Gobolka Awdal oo 2 gool iyo hal Gool kaga badiyay Xulkii Gobolka Saaxil oo iyagu iska khasaariyay Kubad gool ku laad ahayd(Rigoodhe) oo loo dhigay gool ku laadkaas oo uu laaday Ciyaaryahanka Mustafe Messi oo labarka 19 aad usita Xulka Gobolka Saaxil.sidaasna waxa sidaas koobkii Gobolada Somaliland ku qaaday Xulka Gobolka Awdal waxaana xusid mudan oo Ciyaarta kama danbaysta ah kasoo qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo)oo kooxda gobolka Awdal Gudoonsiiyay Koobka horyaalnimada Gobolada Somaliland