Maxkamad Ku Taalla Magaalada Minneapolis Ee Dalka Maraykanka Ayaa Xukun Ku Riday Saddex Dhalinyaro Soomaali Ah
November 15, 2016 - Written by Berbera Today
Minneapolis(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa xukun ku riday saddex dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo lagu helay dembi ah in ay ku biiri rabeen ururka isku magacaabay Dowladda Islaamiga.

Wiilka koowaad oo la yiraahdo Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu xukumay sanad xabsi ah iyo intii uu soo xirnaa, halka kan labaad oo la yiraahdo Cabdirisaaq Warsame lagu xukumay 30 bilood oo xabsi ah.