Daawo Muuqalka Oo Akhriso Wasiir Kuxigeenka Waxaarashada Oo Ka Hadlay Koorasyo Ay Jaamacadda IOU Ka Bilaabi Doonto Dugsiyada Sare Dawladda Iyo Faahfaahinta Sababta Ay Igu Ogollaadeen
March 8, 2016 - Written by Berbera Today
“Markii Ay Jaamacaddani Noo Sharraxday Qaab-dhismeedka Ay Rabaan In Ay Ardayda Ugu Dhigaan Ingiriisada, waxa Ay Sababtay In Aanu Ogolaansho U Siino In Ay Luuqaddaasi U Dhigaan Dugsiyada Sare Ee Dawlada Qaarkood”- GUDAHA KA AKHRI warka Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare oo dhamaystiran
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa sheegay In qaar kamid ah dugsiyada sare ee Somaliland gaar ahaanna Hargeysa ay fursado waxbarasho oo dhinaca luuqadda ingiriisada ah uga heleen Jaamacadda IOU faraceeda ku yaalla magaallada Hargeysa, kadib markii ay wasaarad ahaan ku qanceen qaab dhismeedka waxbarashada ee jaamacaddaasi.