Buuhoodle”Ciidammada Qaranka Oo Dusha Kala Socda Amniga Dadka Iyo Xoolaha Abaareysan Ee Hayaanka Ku Jira
November 21, 2016 - Written by Berbera Today
Buuhoodle(Berberatoday.com)-Ciidammada Qaranka Somaliland ee Fadhiisimada ku leh Duleedka Degmada Buuhoodle, ayaa dusha ka eegaya isla-markaana Tallaabo-tallaabo ula socda Dadka reer Guuraaga ah ee ka qaxaya Abaarta ka jirta Deegaannada bariga Somaliland.
Ciidammada Qaranka, ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan Dadka iyo Xoolaha Abaareysan ee ku jira Hayaanka, ammaankoodana sugayaan inta marayaan deegaannada ay Ciidan ahaan ku sugan yihiin, maaddaama oo Cid dano gaar ah lihi dhibaateyn karto.
Ciidammada ayaa sheegay inay Dadka Abaartu hayso ka caawiyaan wixii ay uga baahdaan, iyagoo sidoo kalena Shacabka ugu baaqay in laga qayb-qaato gurmadka loo fidinayo Dadkeena Abaareysan ee Gobollada bariga Somaliland.