Daawo Muuqalka”Soo Dhawayntii Madaxweynaha Ee Laascaanood, Warbixinta Bulshada Iyo Jawaabta Siilaanyo
November 23, 2016 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo ee Safarka la baxay Tabantaabo ee u kuur-galka xaaladda Abaarta iyo Caawinta dadka ay Abaartu saamaysay ku marayey maalmahan gobollada Bariga qaarkood, ayaa gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Maanta, halkaasoo Weftigu caawa u hoyan doono, ka dib markii ay maalintii afraad Maanta sii wateen kormeerka iyo caawinta dadka ku dhaqan deegaannada u dhexeeya Sool iyo Saraar.