Ubadka Maalqabeenadda Iyo Wasiiradda Dalka oo Boosaskii Ku Qabsaday Agoontii Loo Dhisay Dugsiga Kuwaytiga Iyo Saamaynta Arrintani Ku leedahay Abaaraha Dalka Ka Jira
November 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-dhalaanka ama caruurta ay dhaleen maalqabeenadda iyo wasiiradda dalku ayaa buux dhaafiyay dugsiga agoomaha ee kuwaytiga kaas oo ku yaala barriga caasimadda hargeysa

daba gal dheer oo Warbaahinta Madaxa banaani ku sameeyay digsigaas waxaanu ku soo ogaanay in tiradda ugu yar ee dugsigaas dhigataa ay tahay arday agoona halka tiradda ugu badani ay tahay caruur ay dhaleen maalqaabeenadda iyo wasiiradda dalku