Cajiib”Sarkaal Sare Oo Sirdoon Ah Oo Shaqadiisa Ku Waayay Xidhiidh Jacayl
November 25, 2016 - Written by Berbera Today
Germany(Berberatoday.com)-Sirdoon Jermal ah oo waayay shaqadii uu ka hayay Latvia ka dib
markii uu xidhiidh jacayl oo qarsoodi ah la bilaabay gabadh deegaankaas ka soo jeeda ayaa ku guul daraystay dalab uu ku doonayay in magdhaw lagu siiyo.
Ninkaas oon magaciisa la sheegin ayaa ahaa madaxa sirdoonka ee caasimadda Latvia ee Riga, laga bilaabo sanadkii 2006 ilaa 2008-dii.
Hay’adda sirdoonka ee Jermalka ayaa ninkaas dib ugu soo celisay dalka ka dib markii uu madaxdiisa u sheegay in uu xidhiidh jacayl samaystay.