Cabdirisaaq Khaliif Oo Xukuumadad Ku Canaantay Sababta Ay Uga Aamustay Dhawaaqii Jeneral Galaal
November 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-)-Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii iska casilay xilka Wasiirnimo haddana ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay ceeb iyo ayaan daro u tahay Xukuumadda inay ka aamusnaato General Galaal oo dalka ku sugan oo sheegay inuu midnimada Somaliya u arko muqadas.
Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha dalka ka jira, waxaanu sheegay in Xisbiga Waddani kaalin weyn ka qaatay, dadkiisa dhibaataysana uu dhibka la qaybsaday, wixii uu tari karana uu taray, waxaanu isagoo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko hadalkii Jeneral Galaal uu yidhi “Waxa ayaan daro ah, oo qaranimadeena iyo jiritaankeena gef ku ah in General Galaal oo dalka ku sugan in dalkeena dhexdiisa ka yidhaahdo waa in nidaamkii Federalka la qaataa, oo Somaliland iyo Somaliya isku noqdaan, waxaana meel ka dhac ah in ilaa hadda aanay Xukuumaddu ka hadal, horena waxa loo yidhi maroodigu takarta saaran ma arko ee ta kale ayuu arkaa ee Xukuumaddu iyo Xisbigeeda Kulmiye inta ay ku meeraysanayaan waxna ka sheegayaan Ragga muwaadiniinta ah ee dalkooda ku soo noqonaya, kana soo noqday mab’doodi, ha ka hadlaan masuuliyiinta xilalka qaran hayey ee Somaliya tagay”.