DAACISH Oo Sheegtay Inuu Ka Tirsanaa Soomaali Weerar Ka Geystay Maraykanka
December 2, 2016 - Written by Berbera Today
Ohio(Berberatoday.com)-Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa ka hadlay Weerar uu Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ka geystay Nin Qoxooti ku ahaa Dalkaasi oo Soomaali ah, waxaanu sheegay inuu ahaa Qof aan Mudnayn inuu Maraykanka joogo.
Ninka oo Dhallinyaro ahaa, ayaa Gaadhi ku weerarray Jaamacad ku taalla Magaalada Columbus ee Caasimadda Gobolka Ohio, waxaanu dhaawacay illaa 11 Qof, kuwaasi oo uu badhkoodna Gaadhiga jiidhsiiyey, qaarkoodna Middi ku dhuftay.