berberatoday.com
Muxuu Ka Yidhi Ex Wasiir Cali Shoombe Xilka Xalay Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay Ee Ah Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Itoobiya?
December 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka uu xalay madaxwayne Siilaanyo u magacaabay oo ah inuu noqdo Wakiilka dawlada Somaliland u fadhiya Itoobiya isaga oo ahaa wasiirkii wasaaradda qorshaynta qaranka somaliland.

fb_img_1480840645702

Waxaana uu Ex Wasiir Cali Shoombe mar ay shabakada wararka Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay uu ka dhawaajiyay in uu xilkaasi ku qanacsan yahay isla markaana ay madaxwaynaha ka wada hadleen markii xilka loo magacaabayay waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi
“Waan ku qanacsanahay xilkaa lay magacaaba,madaxwaynaha Somaliland-na waan uga mahadcelinayaa xilkaas uu ii magacaabay waana soo dhawaynayaa xilkaas”sidaas ayuu yidhi Ex Wasiir Cali Shoombe
Sidoo kalena Ex Wasiir Cali Shoombe waxa uu Meesha ka saaray warar sheegay in uu saluugsan yahay xilkaasi madaxwaynuhu xalay u magaacaabay ee ah safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya waxaana uu yidhi
“Waxba kama jiraan wararkaas sheegaya in aan diidanay xilka lay magacaabay aniguna xilkaas waan soo dhawaynayaa waana ku qanacsanahay” sidaas ayuu yidhi Ex Wasiir Cali Shoombe
Xilkan loo magacaabay Ex Wasiir Cali Xuseen Ismaaciil “Shoombe” ee ah wakiilka dawlada Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya ayaa waxa uu madaxwayne Siilaanyo isla xilkan uu isku shaandhayntii uu soo saaray ee tan ka horeysay waxa uu ugu magcaabay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade isaga oo la sheegay inu saluugay xilkaasi balse marar badan oo ay warbaahintu waydiisay uu isagu sheegay inuu doortay in xilka loo magacaabo kuna qanacsan yahay.
Gabagabadiina isku shaandhayntan uu xalay madaxwayne Siilaanyo ku sameeyey golahiisa wasiirada Ayaan haba yaraatee melena aanay kaga jirin xil ka qaadis ama isku badal uu ku sameeyey Ex Wasiir Cali Waran-cade oo ku magacawnaa safiirka Somaliland u fadhiya dawlada Itoobiya

 

 

 

 

Berberatoday.com)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews