berberatoday.com
SOMALILAND: Maxkamad Hal Sano Oo Xadhig Ah Ku Xukuntay Nin Soomaaliya Ka Yimid Iyo Kiiska Loo Haysto
December 6, 2016 - Written by Berbera Today

Ninkani Wuxuu Fiiso La’aan Kaga Soo Degay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, Isagoo Aaminsan In Somaliland iyo Soomaaliya Dal keliya yihiin  

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa maalintii khamiistii hal sano oo xadhigga ku xukuntay nin lagu soo eedeeyay inuu madaarka kasoo degay Fiiso la’aan.

Ninkan oo lagu Magacaabo Ismaaciil Xasan Ibraahim, ayaa ka yimid caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho 21 Novembar ee sanadkan, kaasi oo xafiiska xeer ilaalintu kusoo oogtay inuu ku gafey xeerka socdaalka iyo soo gelidda Somaliland islamarkaana aanu wax ogolaansho ah ka haysan laamaha socdaalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa oo ku dhawaaqay xukunka eedeysanahaasi ayaa sheegtay In ninkaasi lagu xukumay muddo hal sano iyo hal milyan oo lacagta Somaliland.

“Ninkan waxaa lagu soo eedeeyay inuu ku gefay qodobka amma xeerka socdaalka Somaliland ee xeer Lrm 72 xeerkaas oo soo baxay 1995, waxaana maxkamada Degmada iyadoo cuskanaysa xeerka Xukunkan waxaa loo cuskaday qodobka xeer lrm 27 ee xeerka socdaalka Somaliland iyo qodobada xeerka habka ciqaabta 70 ilaa 79, 80, 101, 103, 104, 108, 119 faqrada koowaad xubinta ah; 120, 121, 180 ilaa 184 iyo qodobka 172 ee habka xeerka ciqaabta. Ay ninkaasi ku xukuntay Muddo hal sano iyo Hal milyan oo lacag ah xukunkana waa uu iibsan karaa, dalkana waa in laga mustaafuriyo marka xukunku u dhamaado”ayaa lagu dhageysiga dacwadaasi oo maalintii khamiistii ka dhacay hoolka maxkamada degmada Hargeysa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews