berberatoday.com
Masuuliyiinta Masar Oo Xabsiga Dhigtay Dhaqaatiir, Kalkaaliyayaal Caafimaad Iyo Macalimiin Looga Shakisan Yahay Inay Ku Lug Lahaayeen Ka Ganacsiga Xubnaha Jidhka Bini’aadanka Oo Caalami Ah.
December 7, 2016 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Masar ayaa xidhay dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad iyo macalimiin looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga xubnaha jidhka bini’aadanka oo caalami ah.ka ganacsiga kalyaha dadka
25 qof ee la xidhay maanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad Iibsada xubnaha iyo dalaaleey, ayay sheegeen masuuliyiinta.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale helay “malaayiin dollar iyo dahab”.
Waa sharci daro in la iibsado xubnaha jirka dalka Masar, laakiin saboolnimo ayaa dadka qaar ku kalifta inay iibiyaan xubnaha jirkooda.
Hayada la dagaalanka musuqmaasuqa ee Administrative Control Authority ee Masar, ayaa sheegtay in kooxdan la qabtaymaanta ay ka koobnaayeen ” Masaari iyo Carab oo ka faa’idaysanaya xaalada dhaqaale ee xun ee ay dadka ku jiraan, iyagoo ka iibsanaya xubnaha jirkooda kadibna ay ku sii iibiyaan lacag badan”.
Hadal lagu qoray website-ka dowladda ayaa sheegay in kooxdan ay tahay ” kooxdii ugu waynayd ee caalami ah ee ka ganacsada xubnaha jirka”.
Rajo la’aan
Waxaa la sheegayaa baaritaanka oo ay ka qayb qaadatay wasaarada caafimaadka, inuu xooga saaray isbitaalo gaar loo leeyahay iyo xarumo caafimaad, oo haysta fursad shaqo iyo kuwa aan haysan, oo xubnaha jirka lagu beeray dad, sida ay sheetay Reuters.
Waxay kaloo masuuliyiinta qabteen kombutaro iyo dukumentiyayaal toban xarumood.
Sanadkii 2010, Masar ayaa hayadda caafimaadka ee WHO ay ku sheegtay inay ka mid tahay shanta waddan ee ugu horeeya ee ka ganacsiga xubnaha jirka bini’aadanka.
Masar ayaa soo saartay sharciyo looga hortagayo arrintan, laakiin Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in boqolaal reer Masar oo sabool ah ay wali iibiyaan kelyahooda iyo beerkooda sanad walba si ay u helaan cunto ama amaah isaga bixiyaan.
Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo dadka tahriibayaasha oo la kulma kooxahan.
Sanadkii 2012, Antonio Guterres, oo madax u ahaa UNHCR ayaa sheegay in dad tahriibayaal ah ee gacanka Sinai in loo dilayay si looga qaato xubnaha jirkooda.”
Horaantii sanadkan, qof tahriibiya dadka ayaa u sheegay dacwad oogayaal Talyaani ah in dadka aan lacagta iska bixin karin laga iibinayo kuwa iibsada xubanah jirka.
Laakiin eedeymahan cadayn looma helin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews