berberatoday.com
Xukuumdda Somaliland Oo Sheegtay Inay Adkaysay Xeer Ciqaabeedkii Shakhsiyaadka Taga Soomaaliya
December 8, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aamo adag ka soo saaraysa xubnaha siyaasiyiinta iyo kuwa madax dhaqameedka sheegtay ee ka qayb-gelaya xulista xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.Maxamed-Muuse-Diiriye

Xukuumaddu waxa kaloo ay sheegtay in aanay metelin shaqsiyaadka u dhashay Somaliland ee ka qaybgelaya ama isku sharaxay inay ka mid noqdaan xildhibaannada aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo maalmahan ka socotay magaaladda Muqdisho.

Sidaasina waxaa sheegay Wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, waxaannu danbiileyaal qaran ku tilmaamay xubnahaasi, isagoo xusay in haddii ay shakhsiyaadkaasi ku soo noqdaan Somaliland inay mudan doonaan ciqaab sharci.Wasiirul-dawluhu waxa uu beeniyay in wax laga bedelay go’aankii hore ee ay Somaliland uga gaadhay ciddii ka qaybgasha siyaasadda Soomaaliya ee ka soo jeedda Somaliland, Waxaanu tilmaamay in Somaliland ay wax ka bedelayso shuruucdii hore ee uga meel yaalay siyaasiyiinta taga Xamar.

 

“Ciddii Somaliland u dhalatay ee xil ka doonata Soomaaliya xaggayaga (Somaliland) waxay ka qoran yihiin dambiileyaal qaran, xeer-na wuu ka yaalaa. Dadka qaar ayaa yidhaahda xeerkii ayaa la tuuray, lama tuurin, balse in laga wada hadlo ayuun bay ahayd iyo in qolo waliba mustaqbalkeeda ay ka tashato ayaanu wada hadalku ahaa, laakiin lagama wada hadal inay dad qortaan Soomaaliya dambiileyaal ah,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye oo shalay u waramayay BBC-da.Waxaannu yidhi. “Hebel nin la yidhaahdo oo madax dhaqameed ah oo aanu garanaynaa ma jiraan, waa la sheegaa, oo magacyo ayaa laga sheegayaa, ciddii tagtay madax dhaqameed-na nooma aha, nin reer Somaliland ah-na ma aha, halkan (Somaliland) marka uu yimaada-na tallaabo ayaanu ka qaadanaynaa. Halkaa (Xamar) intuu jooga-na waa shaqaale, hay’adaha caalamiga ah ee Xamar joogaba dad Somaliland u dhashay way u shaqo tagaan.”

Wasiirku waxa uu sheegay in ay beesha caalamka uga digtay in aanay u aqoonsan in ay Somaliland metelayaan shaqsiyaadka Xamar taga. “Adduun weynaha waxaanu u sheegaynaa, habka qaldan ee ay qolada reer Soomaaliya u gelinayaan, waxaanu caddaynaynaa dadkaasi in aanay na metelin oo aanay shaqo nagu lahayn, Somaliland uu yahay dal madax bannaan, isla markaana aanay ka noqonaynin go’aankeedii.Ciddii reer Somaliland ah ee Xamar tagtaana ha ogaadaan in aanay na metelin ee ay yihiin dad shaqaale ah oo iska tegay,” ayuu yidhi Maxamed Muuse.

 

Mar la waydiiyay Wasiiru-dawlaha amniga in xubno ka qayb gelaya xulista baarlamaanka Soomaaliya ay dhawaan ka tAgeen magaalooyinka dalka, sababta ay u xidhi waayeen markii ay ka dhoofayeen, waxaannu yidhi, “Dadku way tegi karaan Xamar, halkan ayay ka duuli karaan, dalalka jaarka ah ayay ka duuli karaan, annaga cid halkan ka duushay oo na tidhi, Muqdisho ayaanu tegaynaa ma jirto, namana odhan karto, mana ogolaan karno, markaa dad aanu fasaxnay ama ognahay ma aha, waa dad iskood isaga tegay.”

Ugu danbayn, Maxamed Muuse Diiriye waxa uu shaaca ka qaaday in ay wax ka bedel ku samaynayaan go’aankii hore ee Somaliland uga yaalay shaqsiyaadka dhalasho ahaan ka soo jeeda ee taga Soomaaliya, waxaanu yidhi “Tallo adag ayaanu ka gaadhaynaa, sababtoo ah, arrintu way joogsan wayday haddii ay joogsan waydayna waa in aan wax ka bedelnaa go’aankayagii hore.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews