Muqdisho”Dad Ku Dhintay Qarax Loo Adeegsaday Gaadhi Lagu Soo Xidhay Taarikada Somaliland
December 11, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay laba Qof baa ku dhintay Qarax loo adeegsaday Gaadhi Walxaha Qarxa lagu soo xidhay oo Maanta gelinkii dambe lagu qarxiyey duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ka dhacay Bar kaantarool ku taalla deegaanka Siinka-dheer oo ah Magaalada Muqdisho laga gelo, waxaana la sheegayaa in Qaraxa Gaadhigan oo Ciidammada Sirdoonka Soomaaliya sheegeen inuu ku xidhnaa Taarikada Baabuurta Somaliland, ayaa waxa ku dhintay Askari ka mid ah Ciidammada NISA ee Soomaaliya, Qofkii Gaadhiga waday, waxaana ku dhaawacmay Hal Askari oo kale.