Faahfaahin Kasoo Baxday Baabuurro Ciidanka Qaranka Raashin U Sidday Oo Gobolka Buuhoodle Lagu Afduubay
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

Xogo Dheeri Ah Oo Laga Helayo Baabuurradan Oo Muddo Toddobaad Ku Dhaw u Af-duuban Kooxo Budhcad ah
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya laba baabuur oo nooca xammuulka qaada ah, kuwaas raashin u siday ciidamada qaranka ee ku sugan jiidaha gobollada bariga, isla-markaana kooxo hubaysaniraashini af-duub ugu geysteen deegaanka Tuulo-samokaab ee dhinaca waqooyi ee gobolka Buuhoodle. Wararku waxa ay sheegayaan in kooxaha budhcadda ah oo 4/12/2016-ka baabuurtan af-duubay ay la tageen deegaanka Geed-dheer oo dhinaca galbeed kaga began magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, halkaas oo ilaa iyo haatan lagu hayo.