Qarax Ka Dhacey Caasimada Turkiga Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
December 12, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-20 askari ayaa ku dhaawacmay, kaddib qarax baabuur oo ka dhacay meel ku dhow garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa xaqiijiyay in qaraxa loo maleynayo inuu ahaa gaadhi saarnaa bam, kaasoo lala eegtay booliska rabshadaha ka hor-taga.
Goob joogayaal ayaa sheegay inay maqleen qaraxa kaddib rasaas, baabuurta ambalaaska oo goobta si deg deg u soo gaadhay iyo baabuurta gaashaaman ee booliska.
Qaraxan ayaa dhacay labo saac kaddib, markii ay dhamaatay ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacday garoonka Vodafone Arena, kaasoo ay ku wada ciyaareen kooxaha Besiktas iyo Bursaspor oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee ka dhisan Turkiga.