Taliye Ku Xigeenka Saddexaad Ee Ciidamada Booliska Puntland Oo Boosaaso Lagu Dhaawacay
December 15, 2016 - Written by Berbera Today
Bosaso(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dhaawacay Magaaladaasi Taliye ku xigeenka 3-aad Booliska Maamulka Puntland.
Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa lagu magacaabaa Jaamac Saxardiid Cabdi, waxaana la sheegay in ay dhaawaceen kooxo hubeysan.