“Xisbiga Waddani Waxaan U Arkaa Inuu Yahay Xisbi Balaadhan Oo Bulshada Reer Somaliland Ku Dhan Tahay , Markaas Waan Ku Biiri Doona”Xildhibaan Qabiile
December 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsanaa Xisbiga Mucaaradka ee UCID, gaar ahaan garabkii Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu ku biiri doono Xisbiga Waddani, oo uu sheegay inuu yahay Xisbi ka duwan labada Xisbi ee kale, waxaanu xusay inuu yahay Xisbi dhexdiisa wax laga sixi karo.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofka xoolaha ee la joojiyey iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Xisbiga Waddani