berberatoday.com
Shiinaha Oo Qabtay Gujis Maraykanku Leeyahay, Dhegahana Ka Furaystay Cabasho Ay Washington Ugudbisay
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Washinton(Berberatoday.com)-Dawladda Maraykanka, ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay dhiggeeda Shiinaha, ka dib markii Ciidanka Badda ee Shiinuhu ay qabteen Gujis (Markabka Maraakiibta Dagaalka Geddiya) bilaa Naakhuude ah oo Ameerikaanku leeyahay oo marayey Koonfurta Badda dalka Shiinaha (South China Sea).

GUJIS MARAYKANKU LEEYAHAY OO SHIINIHU GACANTA KU DHIGAY 2016

GUJIS MARAYKANKU LEEYAHAY OO SHIINIHU GACANTA KU DHIGAY 2016

Waaxda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ayaa sheegtay in wax la fahamsan yahay uu yahay Gujis Cilmi-baadhis Saynis ah samaynaya uu hawl ka waday Biyaha Caalamiga ah ee ka baxsan Xeebaha dalka Filibiin.

War Qoraal ah oo ay Sabtidii shalay soo saartay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanku, waxay ku sheegtay in Bad-maaxayaal Shiine ahi markii ay arkeenba ka xaysteen iyagoon waxba hubsan Markab ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Maraykanku oo doonayey inuu soo saaro Cilmi-baadhis Saynis ah. Balse illaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay dhinaca dawladda Shiinaha oo ku saabsan Gujiskaas.

Shiinaha ayaa ka cadhooday markii bishan gudaheeda uu Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, su’aal geliyey sida ay dalkiisa uga go’an tahay inuu u ilaaliyo Siyaasadda Dawladda Shiinuhu ay madax-bannaanideeda ku hoos keenayso Taiwan.

Dawladaha Shiinaha iyo Maraykanka oo aan Siyaasad ahaan isku fiicnayn, ayuu ka dhexeeyaa Tartanka ugu weyn ee dhinaca Dhaqaalaha iyo Wax-soo-saarka, isaga oo Shiinuhu cidhiidhsaday inuu noqdo dalka Dhaqaale ahaan ugu soo xiga Maraykanka oo Kaalinta Koowaad dunida kaga jira, halka uu Chine-na kaalinta labaad kaga jiro.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews