Hordhac:
Somaliland dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30 jirka waxaa lagu qiyaasaa 65% shacabka JSL. ardeyda dhigata dugsiyada Somaliland oo gaadhaaya 1284 dugsi oo isugu jira Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1 million oo ardey, Ardeyda dhigata 32– ka Jaamacadood ee Somaliland waxay gaadhayaan Ilaaa iyo 50 kun oo ardey, waxaana sanadkan 2016 ka qalin jebiyey Jaamacadaha ilaa 10 kun oo arday, kuwaas oo dhamaan ardeydaasi aanu ceelna uqodneyn cidina umaqneyn oo aan qorshe qaran loo samayn. Daraasad kale oo dhawaan lagu sameyney guud ahaan dhalinyarada reer Somaliland ayaa xaqiijisey in ay dhalinyaradu yihiin JSL majooratiga quwada shacabweynaha reer Somaliland. Waxaa Caalamku isku wada raacey in guusha qaran kastaa ay ku jirto mar kasta guusha Xukuumadu ay gaadhsiiso dhalinyaradeeda, . Nasiib daro se waxaa ragaadiyey oo dhuuxa taabtey Dhalinyarada reer Somaliland dhibaatooyin baahsan oo isbarkan oo ay ka mid yihiin kuwan Hoos ku taxan:
– Shaqo la’aan ( Lack of employment opportunities)
– Tababar La’aan ( Limited access to training)
– Talo La’aan ( Lack of career and Education Counselling)
– Higsasho La’aan ( Lack of positive Role Model)
– Dhaqaale la’aan ( poverty)
– Qorshe la’aan iyo shuruuc la’aan ( lack of Plans and policies )
– Madadaalo La’aan, hadey noqoto Sports ama Madadaalo kaleba
– Iskaa –Wax uqabso La’aan ( lack of Volunteerism and Work experience)
– Waxbarasho tayeysan oo aan jirin ( shortage of vocational training schools and teachers)
– Sentaro La’aan ( Lack of youth and cultural Centres)
– Xirfad basho la’aan ( lack of apprenticeships)
Taas oo keentay in dhalinyaro badan ay naftoodii isweydo kadib markii ay ku hungoobeen balan qaadkii Xukuumada Siilaanyo ee afka baarkiisa ahaa ee ka buuxay buugii cagaarnaa iyo bug-yarihii bugta ahaa ee qorshihii higsiga qaranka.( Somaliland Development Plan ) Waxa ay Xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantey in ay dhalinyarada u Qorsheyso Qorshe fog iyo mid dhow oo ay dhalinyaradu mustaqbalka ku hamido oo ku higsato asaagood .
Waxaa 6-tii sanadood ee xukuumada Siilaanyo wadanka hogaamineysey dhalinyarada reer Somaliland ay indhahooda ku daalacdeen (a) in 52% dha-dhanka, dheefta iyo ilaha dhaqaalaha ee dalka ay gacanta ugu jirto shaqsiyaad gaar ah oo isu baheystey iskuna koobay keligood hayadihii dawlada ee anfaca iyo iidaanka lahaa. (b) Waxay dhalinyarada aqoonyahanka ah ee shaqo la’aantu ragaadisey ay ka dhawaajiyeen in jaaniska yar ee shaqo ah ee wadanka ka soo baxa la musuq-maasuqo oo aan lagu qoran Merit ee lagu qorto oo la isu shaqo geliyo hab qariban oo wasdo ah iyo hab qaraabo kiil ah oo ah ” Yaa tahay” Taa soo keentay in wasaarado iyo hayado badan oo dawlada ah ay beelo gaar ihi ubataan oo ka shaqo galaan.Taasina waa ceeb, laf-jab iyo fadeexad qaawan oo xukuumada Siilaanyo dul saaran oo bar madow ku ah, in aan xataa mudnaan la siin beelihii darafyada ahaa oo iyagu filimkaa indhaha ku daawanaaya oo quudaaya sidii ay mar uun qoorta ula geli lahaayeen hayadaha dawlada shaqana uga hele lahaayeen.
UBUC:
Hadaba waxaa aqoon yahanka hawlaha dhalinyarada udhuundaloolaa ay isku wada raaceen in Xukuumada Siilaanyo ay fahmo guurtey oo ku fashilantey qodobadan tirada badan ee hoose , Taas oo hada shacabka SL ay u cadaatey in Qorshe Hawleedkii Higsiga Qaranka ee dhalinyarada SL ( Somaliland Youth, Sport and Cultural National Plan ) ay ku fashilantey Xukuumadu oo ay ka dhigtey oo ku soo koobtey oo keliya xaflado, gole ka fuul iyo wax yaabo yar yar oo maadi ah oo aan macno badan laheyn sida guri weyn baanu udhisney dhaliyaradii:
1- Waxaa xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantey in ay ka shaqeysiiso oo wax ka bedel iyo kaabis ku samayso shuruucdii lagu hagi lahaa dhalinyarada JSL (National Youth Policy) kuna saleyso waqti dhow iyo mid dheer sida 2 years ama 10 years strategies. Mar hadii ay ka shaqeysiin waydey qaybtii ay dhalinyarada SL ku laheyd Qorshihii dalka( National Development Plan 2012-2016)
2- Waxay xukuumadu ku fashilantey in ay ka wacyi geliso dhalinyarada Tahriibta iyo balwada, ilmo kasta oo dhameysta Dugsiyada sare iyo Jaamacadaha dalkana ay siiso talo buuxda oo wadaninimo oo ku xasilisa dhalinyarada wadankooda mustaqbalkiisa ( on-going Information, Advice and guidance support ).
3- Waxay Xukuumadu ku fashilantey in ay sii dhiiri geliso 9-ka ( Youth Centre ee Somailand ka Jira) si loo caawiyo, xaga dhaqaalaha iyo sidii ay u soo jiidan lahaayeen dhalinyaro aad u badan, wacyi gelin iyo xirfadana ay uga ubuuri lahaayeen Santaradaasi si ay Santaradu u noqdaan bar timaameedyo lagu soo hirto oo ay mar walba joogaan ( professional Youth workers and sport coaches) dhalinyarada siiya tababaro kala duwan.
4- Waxa ay Xukuumadu ka minguurtey in Xaafadaha caasimada Hargeisa ay uxaqsoorto oo ay xaafad walba laga sameeyo Santaro shaqeeya ( Youth and sport/cultural Centres) si ay dhaliyaradu ugu kulmaan kuna ciyaaraan ciyaaraha kala duwan laguna wacyi geliyo, gaar ahaan degmooyinka wadanka oo dhana waxay aheyd in si waafi ah Santarada loo gaadhsiiyo oo looga shaqeysiiyo loona daadejiyo maamulka iyo maareynta dhalinyarada.
5- Waxa ay Xukuumadu ku mergatey in iskuulada dhexdooda laga Aas-aaso (Youth clubs and youth Centres) lagana sameeyaa kooxo ardeyda ka mid ah oo ka qeyb qaata Ciyaaraha kala duwan oo ay ku jiraan kuwa hidaha iyo dhaqanka.
6- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in la qabto Sanadkii Laba jeer tartan Ciyaaraha kala duwan ee dalka lana siiyo koobab iyo aduunba kooxaha ku guuleysa ciyaaraha kala duwan ee kama danbeysta ah.
7- Waxaa Xukuumadu ku fashilantey in La sameeyo (National Summer youth Programme) waqtiyada ay iskuuladu fasaxa yihiin si ay dhaliyaradu isu dhexgalaan una helaan madadaalo iyo waayo aragnimo joogto ah.
8- Waxaa ay Xukuumadu ku fashilantey in la sameeyaa Mashaariic Iskaa –wax uqabso ah (National Youth Voluneering Programme) si ay dhaliyaradu u bartaan xirfadihii ay ku shaqo tegi lahaayeen iyo waayo aragnimo shaqada u fududeysa mustaqbalka.
9- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in la sameeyo (National Youth academy) si loo helo dhalinyaro tababarayaal ka noqda Santarada iyo iskuulada wadanka oo dhan ( Youth and sport Centres) ee ay dhalinyardu isugu yimaadaan.
10- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in la dhiirigeliyo oo guno joogto ah oo waafi loo qoro National Teamska sida National Foolball team, Basketball Team, iyo Athletics team intaba.
11- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in ay sameeyaan National Team ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ah si uu dhaqankeena iyo hidaheenuba u sii jiro, waana in dhaliyarada lagu dhiiri geliyaa dhaqanka, Diinta iyo hidaha suuban.
12- Waxa ay Xukuumadu ka minguurtey in tababaro gudaha iyo debedahaba loo helo macalimiintii ka qeyb qaadan laheyd tababarida dhalinyarda ( Youth coaches) hadii ay noqoto xaga cayaaraha kala duwan ama xirfadaha ama wacyi gelinta dhalinyaradaba.
13- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey in ay abuurto goobo yar yar oo degmo kasta ah oo xirfadaha lagu barto( Apprenticeships) mudadii Xukuumadani xilka haysey weli Somaliland lagama helin tiro dhalinyaro ah oo xirfad barte ah ( apprentice) taas oo Xukuumada Siilaanyo ka dhigtey Madaneyso ubad (apathetic) oo aan hadana waxba u aabo yeelin ee daani ah.
14- Waxaa ay Xukuumadu ku fashilantey in Wasaaradaha dawlada iyo Hayadaha madaxa banaanba ay ku dhiiri geliso in ay tababaraan oo ay siiyaan dhalinyarada ( Workpalcement ) ugu yaraan 10 dhaliyaro ah Wasaarad waliba ama Hayadwaliba gaar ahaan dhaliyarada Jaamacadaha dhemeysatey ee ay shaqo la,aantu ragaadisey.
15- Waxa ay Xukuumadu ku fashilantey oo ay been ka sheegtay in ay u filiso dhalinyarada Mashruucii Gurmadka Qaranka ( National Service ) ee uu madaxweynuhu uu afkiisa kaga dhawaaqey khudbad sanadeedkii Janaayo 2012.
GUNAANAD: Waxaan leeyahay dhalinyarada Somaliland Waxba idiinma hayso Xukuumada Kulmiye ee ku biira Xisbiga isbedeldoonka ee Wadani.
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh,
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman FidhinleQoraa Madax banaan
Senior Intensive ED BD PA
United Kingdom
London