Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-Sannadeedka 2017-ka Oo $ 27.5 Ka Badan Tii Sannadkii Hore
December 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa Maanta kulankoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka Somaliland ee Sannadka soo socda.
Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL oo soo gaadhay Warbaahinta Himilomedia.com, waxaanu War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran u qornaa sidan, “Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.