Britain Oo Somaliya Ugu Deeqday 1.5 Milyan
   December 24, 2016 - Written by Berbera Today
       
       
   
    
London(Berberatoday.com)-Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Midowday UK ee loo soo gaabiyo DFID ayaa 1.5 milyan oo gini ugu deeqday Dawladda Soomaaliya oo lagu taageerayo Mashruucyada kaabayaasha ah.
lacagtan Boqortooyada Midowday  ay ku deeqday ayaa la marsiin doonaa Bangiga horumarinta Afrika,waxayna lacagtaasi ay Dowladda Soomaaliyeed ka caawin doonto xoojinta awoodaha horumarinta iyo Maamulka kaabayaasha, sida tababar xirfadeed la siiyo dhallinyarada.