Madaxweyne-xigeenka Puntland Oo Ku Biiray Siyaasiyiin Somaliland Oo Xamar Ka Raadinaya Saami-qaybsigii Lixdankii –
December 25, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ka qabsoomay kulan dhexmaray ergo kala duwan oo ku abtirsada Somaliland hase ahaatee dano kala duwan u jooga magaalada Muqdisho.
Masuuliyiintan ku kulantay Muqdisho ee ku abtirsada Somaliland ayaa kala ahayd Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamar Maxamed Cumar Carte, Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko Jiir, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya, iyo xubno kale.