Maamulka Puntland Oo Gudaha Somaliland Ka Furey Mashaariic Ay Caawinteeda Leeday Hay,adda WFP Iyo Mooganaanta Xukumada Somaliland
December 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gudaha Somaliland gaar ahaana deegaano ka tirsan Gobolka Sool ka bilaabay hawlgalo ay ka taageerayso hay’adda WFP.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee maamulka puntland Axmed Cilmi Cismaan(Axmed Karaash) ayaa deegaanka Tukaraq oo qiyaas ahaan 53Km dhinaca bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka furey mashruuc maamulkaasi ugu magac daray wax ka qabashada abaaraha .