Wasiir Uu Shaqadda Ka Caydhiyay Aabihii Iyo Sababta Ku Kaliftay Arinkan
December 31, 2016 - Written by Berbera Today
Mumbai(Berberatoday.com)-Wasiirka gobolka Uttar Pradesh,oo ah gobolka ugu dadka badan wadanka Hindiya ayaa waxaa xisbigii uu ka tirsanaa ka eryay Aabihiis.
Wasiirka oo lagu magacaabo Akhilesh Yadav ayaa waxaa shaqada ka eryey si “loo badbaadiyo xisbiga” Samajwadi Party (SP) hogaamiye Mulayam Singh Yadavs oo ah Aabihiis sida ay sheegtay warbaahinta Hindiya.
Madaxa xisbiga SP ayaa sheegay in xisbigu uu go’aansan doono wasiir goboleedka xigga ee baddalaya wasiirkan shaqadda laga eryay.