berberatoday.com
GAROOWE: Dad Loo Qabtay Inay Faafinayeen Cudurka Dilaaga Ah Ee HIV AIDS
January 1, 2017 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Ciidammada ammaanka ee Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa qabtay Nin iyo Gabadh la sheegay inay qabaan Cudurka halista ah ee Aids-ka isla-markaana ay si ula kac ah ugu faafinayeen Dadka, sida ay sheegtay Hay’adda PAC oo Puntland u qaabilsan la dagaalanka Aids-ka.

Dr. Cabdiraxmaan Siciid (Dhego-weyne) oo ah Madaxa Hay’adda la dagaalanka Aids-ka u qaabilsan Puntland oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in labada Qof ee la qabtay ay Dadweyne reer Puntland si ku talo-gal ah ugu faafinayeen Cudurka Aids-ka, sidaasi darteed loo qabtay si looga hor-tago Aafada ay Xambaarsan yihiin.

Dr. Dhego-weyne oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Labada Qof ee aanu haynaa waxay kala yihiin Rag iyo Dumar. Gabadha oo aan u dhalan Puntland waxay cudurka Aydhiska qaadsiisay ilaa saddex Rag ah oo hore u guursaday.”

Aids-ka

Masuulkan oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay in Labada Qof ee ku eedeysan inay Faafinayeen Cudurka Aids-ka la hor-geynayo Maxkamad, “Labadan Qof waxaanu hor-geynaynaa Sharciga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Ciidammada Ammaanka Maamulka Puntland u soo jeediyay inay sii wadaan dedaallada ay ku raadinayaan dadka la nool Cudurka Aydhiska ee haddana sida ku talo-gelka ah u faafinaya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews