Taliye ku-xigeenkii Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Oo Toogasho Lagu Dilay Caawa
January 1, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Taliye ku-xigeenkii Ciidammada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Cabdulle (Qoorgaab) ayaa goor dhawayd lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in la dilay Taliye ku-xigeenkii Ilaalada Madaxtooyada ee Ciidanka loo yaqaanno ‘Koofiyad-casta’.
