Wasiirka Diinta Iyi Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed Oo Ka Digay Sannadka Cusub In La Sameeyo Waxyaabo Diinta Iyo Dhaqanka Ka Soo Horjeeda.
January 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka hadlay Sannadka cusub ee 2017, ee caawa curanaya, waxaanu ka digay in lagu kaco wax dhaqan xumo ah oo diinteena suuban ee Islaamka ka hor imanaya ama liddi ku ah.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale fariin u diray Dhalinyarada iyo Waalidiinta, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Sannadka cusub “Waxaynu nahay dal islaam ah, waxaynu nahay dad islaam ah, waxaynu leenahay laba Ciidood oo kala ah Ciida Carafo iyo Ciida Fidiriga,in labadaas ciidood aynu xusno, oo aynu weynayno, oo waliba si akhlaaqiyan ah u xusno ayey Diinteena Islaamku inoo jidaysay, ee inaynu Sannad cusub soo dhaweeyno, oo aynu u sameeyno munaasibado ama xaflado aanay diinteenu ogolayn oo dhaqan xumo iyo fasahaad ah oo hablaha iyo inamadu ama ragga iyo haweenku isku dhex galaayaan Diinteenu inoomay banayn, markaas waxaan Dhalinyarada leeyahay ilaaliya xishoodka iyo dhaqankeena suuban, oo ka dheerada xumaanta iyo dunuubta, oo ka feejignaada wax walba oo ka dhalan kara dhaqan xumo, waxaanu rajaynaynaa oo ILLAAHAY ka baryeynaa inuu sannadkan cusub inooga dhigo mid khayr qaba, ee xaq dhawr iyo xishood ayaa la inooga baahan yahay”.