Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Ku Baaqay In Aanay Golahaasi Ansixin Miisaanyada Sanadka Oo Golahaasi Hortaala
January 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland waxaa uu cod dheer ku baaqay in xildhibaanada golahaasi aanay ansixin odoroska miisanyada sanadka 2017 oo golaha hor taala .
Xildhibaanka ayaa waxaa uu baaqiisa sabab uga dhigay miisanayada sanadkani in aanay ka turjumeen daruufaha iyo abaaraha dalku ku jiro isla markaana ay u muuqato miisanyad ku saleysan mid uu dalku barwaaqo ku jiro .
” Miisaanyadii shalay lanoo keenay waxaa ay u muuqtey miisaanyad ku saleysan dawlad barwaaqo ku jirta , waxaanu leenahay dawladeey la noqda miisaanyadan oo keena miisaanyad abaarta khuseysa ” ayuu yidhi xildhibaanku