Culimada TIMO-WEYNTA Ee Boorama Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Laga Noqdo Go’aan Ay Fulintiisa Ku Eedeeyeen Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta
January 4, 2017 - Written by Berbera Today
Boorama(Berberatoday.com)-Culimada Suudiyada Ee Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Boorama, ayaa ka soo horjeedsaday Go’aan Toddobaadkii hore Masaajid ku yaalla Magaalada Berbera lagaga wareejiyey Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo ay sheegeen inay muddo dheer Gacanta ku hayeen isla-markaana ay Lacag la’aan Dadka ku barayeen Diinta Islaamka.
Culimada Suufiyada ee Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca ee Magaalada Boorama oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama, waxay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ku eedeeyeen inaanu Dhexdhexaad u ahayn Culimada Dalka isla-markaana uu isagu Culimada Suufiyada ka wareejiyey Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera, kaasi oo ay sheegeen in markii Culimadii hore laga wareejiyey laga beddelay Magacii hore loogu yaqaanay isla-markaana loo bixiyey Xaaji Yuusuf Iimaan.