Xukumada Koonfurta Suudaan Oo Shacabkeedii Dalkaas Ka Qaxay Ugu Baaqday Inay Soo Laabtaan
January 4, 2017 - Written by Berbera Today
Juba(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka South Sudan, Taban Deng Gai, ayaa ugu baaqay qaxootiga ka soo qaxay dalka inay dib u laabtaan.
Deng Gai oo booqday gobolka koonfur-galbeed ee Yei ee dalkasi, si uu qiimeeyo xaalada guud ee Gobolka, halkaas oo uu dadka rayidka ah ugu baaqay in ay taageeraan dowladda KMG Midnimada Qaranka, si ay u keenaan nabad waarta dalka.