Wariye Cabdi Xaaji Goobdoon Oo Ahaa Ruugcadaa Saxaafadeed Oo Muqdisho Ku Geeriyooday
January 26, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Allaha u naxariistee waxaa saaka aroortii hore magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa rug cadaa saxaafadeed oo muddo dheer ku soo jiray warfaafinta Soomaalida.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu u dhintay xanuun dhanka wadanaha ah oo ku soo booday.