Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soodhweeyay Gobolka Gabiley+Daawo Sawirada
January 5, 2017 - Written by Berbera Today
Gabiley(Berberatoday.com)-Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Murashaxii aqlabiyadda Xisbigii Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa Maanta si weyn loogu soo dhoweeyey caasimada Gobolka Gabiley. Iyadoo Kaantaroolka gobolka Gabiley ay kaga horyimaadeen kumanaan dadweyne ah iyo sidoo kale, Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Gabiley oo ay hor socdeen Maayirka Gabiley Maxamed Aamin Cumar Cabdi iyo Badhasaabku Xiggeenkii gobolkaas. Waftiga Jamaal Cali Xuseen ayaa socod Lug ah kusoo dhexmaray faras magaaladda gobolkaas, iyadoo kumanaan dadweyne ahi hareero socdaan iyo sidoo kale madaxda gobolka gabiley oo u hormuud u yahay Maayir Maxamed Aamin. Waftiga ayaa Huteel Taj-place ee Magaaladda Gabiley kala hadlay dadweynaha, halkaasoo ay khudbado kala duwan kasoo jeediyeen madaxda garabkii New Ucid ee waftiga iyo madaxda xisbiga Kulmiye ee gobolka Gabiley, sidoo kale, madaxda gabiley iyo weliba aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhayda ka caddeeyey , shacabka gabiley ugu baaqay inay Codkooda siiyan Murashax Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi